Farmaajo oo kordhiyay derejadiisa daba dhilifnimada.(Warbixin)
dowladda federaalka ah xiligeedi waxaa ka haray dhowr bilood dad badan ayaaana guluf ugu jira jagooyinka madaxweyne, ra’iisalwasaare, xildhibaanimo iyo wasiirnimo iyo kuwa kale.
inkastoo murashaxiinta madaxweynanimo badankood aanay isi soo bandhigin hadana qaar ayaaa ku dhawaaqay in ay xilkaas doonayaan kuwa kalena tilaabooyinka ay qaadayaan ayaa ka marqaati kacaya in ay dadaal ugu jiraan in ay ku fariistaan kursiga dowladaha shisheeye majaraha u hayaan.
maxamed cabdulaahi farmaajo oo aaakhirkii 2010 laga dhigay ra’iisalwasaare laakiin wax yar kadib shisheeyuhu eryay ayaa ka mid ah kuwa doonaya in ay hogaanka qabtaan marka xasan sheekh xilku ka dhamaado welow xasanka ruuxiisu cadeeyay inuu murashax yahay.
farmaajjo oo waaguu ra’iisulwasaare ahaa reer muqdisho qaarkood ugu yeeri jireen armaajo maraykan ayaa isku dayaya in uu hanto qaluubta kuwa taladu ka go’do ee siyaasadda qeybi oo xukun soomaalida ku haya.
laakiin intaas waxaa ka horeeya in itoobiya iyo kenya raali ka yihiin qofka madaxweyne noqonaya soomaaliya maxaa yeelay reer galbeedka ayaa kuwaa aad u ilaalinaya .
farmaajo sideed bilood ayuu neyroobi ku sugnaa waxaanuu la kulmayay wakiilo ka kala socda dowladaha soomaaliya deriska la ah iyo safaradaha reer galbeedka
hadda farmaajo wuxuu ka qeyb galaa shirarka yurub iyo maraykanku qabtaan ee ka dhanka ah Mujaahidiinta.
maalmo ka hor waxaa lagu casuumay shir arintaa la xariira oo ingriiska ka dhacay waxaanuu ku taba rucay xog iyo macluumaad uu aruuriyay
wuxuu dhaleecaynayaa mujaahidiinta ka shaqeynaya sidii diinta dalka iyo dadku xor u ahaa lahaayeen laakiin ciidamada shisheeye ee soo duulay waxba kama sheegayo.
shissheeyhu ma ogola in soomaaliya dowladu ka dhalato xattaa haday mid diinta islaamka diidan oo dimu quraadi ah tahay maxaa yeelay waxay caqabad ku noqoneysaa kenya iyo Itoobiya oo dhulal iyo dadba naga haysta.
ninkasta oo madaxnimo raba dowladda federaalka ah iyo maamul gobaleedyada wuxuu la suuq tegayaa in uu kaalin weyn ka qaadanayo sidii mujaahidiinta loo cirib goy lahaa laakiin farmaajo wuxuu isu arkaa in uu asigu yahay ninka ugu mudan ee arintaa wax ka qab kara
dalka soomaaliya wxuuu ku jiraa gumeysi aan ku koobnayn dowlad keliya oo aan daah saarnayn marqaatina ay ka yihiin kuwa shisheeyaha raba iyo kuwa diidanba,laakiin marka maxamed cabdulaahi farmaajo wuxuu isku dayayaa in uu dadka habeen mugdi ah maalin cad uga dhigo.
Aqoon yahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo daawaday wareysi Muuqaal ah oo lala yeeshay farmaajo ayaa u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxaanuu sheegayaa in uu aad ula yaabay dhagarta ninkaan ku duugan iyo sida ay uga go’an thay u hiilinta iyo u shaqeynta shisheeyaha dalka ku soo duulay.