Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan oo baaq Towbad keen ah u dirtay dadka la shaqeeya Shisheeyaha dalkaas ku duulay.

download

Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa bayaan goor dhow ay soo saartay waxay baaq Towbad keen ah ugu dirtay guud ahaan dadka la shaqeeya Shisheeyaha dalkaas ku duulay.

Mujaahidiinta ayaa ugu baaqay dhamaan dadka la shaqeeya Shisheeyaha iney ka towbad keenaan falkaas oo marka Sharci ahaan loo fiiriyo noqonaya mid Diin ka bax ah, waxaana loo ballan qaaday ciddii kasoo baxda in loo badbaadinayo Naftiisa iyo hantidiisa intuba.

Qofkii ka faa’ideysan waayo baaqan islamarkaana Mujaahidiintu gacanta ku dhigaan waxaa loogu hanjabay in gacan adag oo bir ah lagu qaban doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo bayaan noocaan ah ay soo saarto Imaarada, waxaana mar waliba oo bayaan noocaan ah soo baxo ka faa’ideysta dad farabadan oo horay ula shaqeyn jiray Shisheeyaha iyo Xukuumadda taagta daran ee Kaabul.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.