Imaarada Islaamiga ah oo Xaqiijisay Istish-haadka Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur.
Bayaan goor dhawayd kasoo baxay golaha Shuurada ee Imaarada Islaamiga ah laguna faafiyay baraha Internetka ayaa lagu xaqiijiyay Istish-haadka Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur kaas oo maalintii Sabtida ay beegsadeen diyaarado Drones iyo kuwa Milliteri oo ay leedahay dowladda Mareykanka isagoo marayay deegaanada xuduud beenaadka ee Afqaanistaan iyo Pakistaan u dhexeeya.
Bayaanka ayaa waxaa Umadda Islaamka looga tacziyeeyey istish-haadka ku yimid hogaamiyahan Halyeyga ahaa, waxaana lagu iclaamiyay Amiir cusub oo ay yeelaneyso Imaarada Islaamiga ah iyo labo ku xigeen.
Sheekha bedelay Amiirka shahiiday waxaa lagu magacaabaa Sheekh Mullaa Hibatu-llaah, waxaana uu soo noqday sida ay sheegayaan Ilo xog ogaal ah Qaadigii guud ee Imaarada Islaamiga ah, waana qof Muxadith ah marka dhanka Aqoonta Sharciga ah laga hadlo.
Labada ku xigeen ee golaha Shuurada Imaaradu doorteen ayaa kala ah Siraaju-diin Xaqqaani oo uu dhalay Jalaalu diin Xaqqaani oo caan ka ah Caalamka Islaamka laguna xusuusto kaalintii weyneyd ee uu ka qaatay dagaalkii sideetamaadkii lala galay Midowga Soofiyeet illaa kan maanta socoda, waxaana shakhsiga labaad uu yahay Mullaa Yacquub oo uu dhalay amiirkii hore ee Imaarada Sheekh Mullaa Cumar Mujaahid Raximahullaah.
Dadka Muslimiinta ah ee isticmaala baraha Bulshada ayaa ka tacziyeynaya Istish-haadka Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur, waxaana istish-haadkiisa uu meesha ka saarayaa warar ay baahin jireen warbaahinta qaar oo ku aadan in Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur uu xiriir wanaagsan la lahaa dowladaha Caalamka, islamarkaana uu u ololeynaya in wadahadal uu la galo Xukuumadda taagta daran ee Afqaanistaan, waxaana arinkaas ka hadlay dowladda Mareykanka markii ay dishay Sheekha iyadoo sheegtay inuu Akhtar caqabad ku ahaa ololaha uu Mareykanku ku doonayo in waxa ay ugu yeeraan Nabadda ka hirgeliyaan Afqaanistaan, uuna halis ku ahaa amaanka Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan.