Indheer garadka Gobalka Gedo sidee bay u arkaan war ka soo yeeray xubno ay isku beel yihiin oo shisheeyaha u shaqeeya?

mic

Xubno ka soo jeeda Gobalka Gedo oo u shaqeeya dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay in Kenya ay walaal la tahay ayna been tahay in sanadihii tegay ay xasuuq ka geysatay Gobalka Gedo.

Waxay ku celiyeen in ay aad uga xun yihiin xasuuqii dhowr milood ka hor loo geystay askertii Kenya ee ku sugnayd Magaalada Ceel cadde.

Hadaba hogaamiyaasha beesha Mareexaan ayaa aad uga xumaaday warkaasi oo ay ku tilmaameen in uu ka soo yeeray koox daba dhilifyo ah.

Nabadoon Muxumed Qoojje Faarax oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in xubnahaasi aanay beeshooda metelin ayna yihiin sandareerto raac cadawga u kaalmeeya.

Wuxuu beesha ugu baaqay in ay aayaheeda ka tashato ayna difaacato dadkeeda iyo deegaankeeda dowladaha cadawga ah ee Kenya iyo Itoobiya ku soo duuleen.

Halkan ka dhagayso Nabadoon Maxamed Qoojje.lite

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.