Is Rasaaseyn ka dhacday dalka Mareykanka oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geysatay.

11Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in is rasaaseyn xoogan ay ka dhacday magaalada Houston ee gobolka Texas dalka Mareykanka, taas oo dhexamrtay Ciidamo katirsan Booliiska Mareykanka iyo rag hubeysan.

Is rasaaseynta oo ahayd mid aad u xoogan islamarkaana in muda ha socotay ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney geystay khasaare soo gaaray ciidamadii la weeraray ee Booliiska ahaa iyo sidoo kale kooxihii weerarka soo qaaday intuba.

Inta haatan la hubo oo ay Warbaahintu baahineyso ayaa ah dhimashada 2 Ruux oo mid kamid ah uu ahaa Ragga weerarka soo qaaday, iyo dhaawaca 6 kale oo ay ku jiraan Ciidamada Booliiska.

War kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga weerarka soo qaaday la dilay, islamarkaana qof kale uu baxsaday, waxaana Booliisku sheegeen ineysan ogayn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ka dambeysa weerarkan balse uu baaritaanno socodo.

Dadka magaalada Houston ayaa laga dalbay ineysan guryahooda kasoo bixin, islamarkaana joojiyaan Dhaq-dhaqaaqa waxaana xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayaa magaalada iyo deegaannada u dhow intuba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.