Kamiin lagu laayay Ciidamo katirsan Booliiska Masar.
Wararka ka imaanaya dalka Masar waxay ku waramayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Ciidamo katirsan Booliiska kadib markii ay ku dhaceen weerar kamiin ah oo horay loogu diyaariyay.
Weerarka Kamiinka ah waxa uu ka dhacay gobolka Xilwaan ee dhaca koonfurta caasimadda dalkaas Al-Qaahira, waxaana lagu dilay sida wararka horudhac ah sheegayaan kudhowaad 10 Askari oo katirsanaa ciidamada Booliiska.
Ciidamada Kamiinka loo dhigay ayaa waxay wateen dhar shacab ah, waxaana iyagoo wata Gaari nooca raaxada ay ku howlanaayeen u kuur galida xaalada amaan ee gobolka, waxaana iyagoo ku socoda wadada isku hor gooyay Gaari kale oo ay wateen ragga kamiinka dhigay.
Saddex Ruux ayaa kasoo degay Gaariga, waxaana ay rasaas xiriir ah ku hubsadeen wixii saarnaa Gaariga oo Booliiska ahaa, iyagoona halkaas ku dilay 8 Askari oo uu ku jiray Sarkaal sare sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Nidaamka Siisi.
Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxaase dalka Masar ka howlgala Mujaahidiinta Siinaa kuwaas oo duruus lama hilmaamaan ah u dhigay Booliiska iyo Militeriga Xukuumadda Siisi.