Koba ku tukade “49 askeri ayaan Ruun nirgood ku dilnay.(Maqal)

micIyadoo shalay dagaal xoog leh uu ka dhacay Degmada Ruun nirgood ee Gobalka shabeelaha dhexe kaasoo u dhaxeeyay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo ciidamada Dowladda federalaka ah ayaa Arintaa waxaa si qotta dheer uga hadlay waaliga Gobalka ee Mujaahidiinta Alshabaab  Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Koba ku tukade).

Wareysi ay Xalay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayuu ku sheegay in ay laayeen askar badan kuwa kalena ay iyagoo naf la caari ah baxsadeen.

Inta aan aragnay  waa afartan iyo sagaal askeri oo dhimasho ah hubki ay wateena waanu furanay” sidaas waxaa yiri Koba ku tukade.

wxuu sheegayaa in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen gaadiid afar ah oo labo ay tahay nooca soomaalidu cabdi bile u taqaan oo qoryo ku rakiban yihiin iyo laba BG kuwaasoo ah gaadiidka waaweyn ee saaadka iyo ciidankaba lagu qaado.

wuxuu carrabka ku adkeeyay in gaadiidka iyo hubkuba cusub yihiin oo dagaalkaan ka hor aan la isticmaalin ayna soo dhiibeen shisheeyaha soomaaliya dagaalkeeda ku lugta leh.

Koba ku tukade wuxuu tilmaamay in ay baxsadka askartii carartay ku raad joogaan.

wuxuu tilmaamay in dadka deegaanku dagaalka kaalin muuqata ka qaateen.

wuxuu baaq u diray ciidammada Soomaalida ah ee shisheeyaha ka bar bar dagaalamaya iyo iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed ee Diintoodii, Dalkoodii iyo dadkoodii lagu soo duulay.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga koba ku tukade.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.