Maamulka Puntland oo aan waxba u qaban Ciidamadiisa Naafada ah.
Magalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal waxaa ku sugan askar ku naafoobay dagaladii Puntland la gashay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo Maamulka Galmdug waxaanay sheegaysaa askartu in aan xaaladooda gudaha dalka wax looga qaba Karin.
Muuqaal Inertetka la soo dhigay ayaa muujinaya askarta o qaarkood dhaawacyo waaweyn ka muuqdaan kuwana gur guuranayaan.
Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa Khadka taleefoonka ku wareysatay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed oo ah nin il iyo dheg ku beelay dagaalkii dhex maray Puntland iyo galmduug waxaanuu sheegay in caano iyo sharaab mooyee aanuu wax kale quuda Karin.
Sababta ayuu ku sheegay in ay tahay iyadoo aanuu waxba calali Karin sidaa aawgeed uu ka qadsan yahay hilibka iyo raashinka kale.
Wuxuu intaas ku daray in ay koox yihiin askarta naafoowday asigoo tilmaamay in puntladn ay joogaan ama xukumaan koox daneystayal ah oo maraykanka qandaraas kula jirta.
Cabdullaahi wuxuu sheegayaa in mar laga soo qaaday magaalda muqdisho oo sababo caafimaad loo geeyay ay diyaaradda isla soo raaceen Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas laakiin nasiib daradu ay ahayd in uu diyaaradda gudaheeda kaga dhuuntay.
Halkan ka dhagayso Askariga Naafada ah oo aan warreysanay.