Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Afduubtay La Taliyaha Madaxweynaha Yaman.

La taliye

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaalama dalka Yaman islamarkaana gacanta ku haya magaalada Sancaa iyo kuwa kale ayaa u suurta gashay inuu gacanta ku dhigo Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Xukuumadda taagta daran ee Yaman.

Sarkaalka la afduubay oo jago ahaan ah Jeneraal sare oo katirsan Ciidamada Yaman ayaa waxa uu sidoo kale ahaa La taliyaha madaxweynaha Yaman Cabdi Rabbi Haadi Mansuur, waxaana lagu magacaabaa Saalax Al-Daniin.

Qaabka loo Afduubay ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan islamarkaana is burinaya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Sarkaalka uu ka yimid dalka Masar, islamarkaana diyaaradii uu saarnaa ay kusoo degatay Garoonka caalamiga ah ee magaalada Sancaa.

Warar kale ayaa sheegaya in Sarkaalka uu ku wajahanaa gobolka Xadaramowt ee dalka Yaman, islamarkaana cillad farsmo awgeed ay diyaaradiisu ugu degatay garoonka magaalada Sancaa, taas oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta u suurta galisay iney gacanta ku dhigaan.

Maleeshiyaadka Xuuthiga ah ayaa dalka Yaman ka wada Ol ole ballaaran oo ay ku beegsanayaan Saraakiisha la shaqeysa Xukuumadda Aala-Sucuud ay taageerayaan ee ka dhisan dalkaas, waxaana dhanka kale wali joogta ah tacadiyadaka ay Maleeshiyaadku kula kacayaan dadka Muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.