Maraykan la ceyrshay iyo Kenyaati la weeraray.

alshabaabCiidamada Maraykanka ayaa xalay weerar ku soo qaaday Magaalada Toora tooroow ee Gobalka shabeelaha hoose halkaasoo ka mid ah Meelaha shareecada Islaamka lagu maamulo.

Xalay xilli dambe ayay marakanku Magaalada dhankeeda galbeed ka soo bilaabeen rasaas taasuna waxay keentay in Mujaahidiintu dagaal kala hor tagaan.

Diryaanka hubka labada  dhinac isweydaarsanayeen ayaa Magaalada iyo nawaaxigeeda laga maqlayay.

Goor dambe ayay baqdeen oo aya ad u carareen ciidanka maraykanku waxaanay qaateen laba diyaaradood oo kolkii hore meel duur ay  uga degeen.

Lama oga qasaaraha gaaray ciidamada soo duulay laakiin wax meyd ah oo ay ka tageen ma jirin, sidoo kalena Mujaahidiinta iyo shacabka  ayaa ka nabad galay xabadaha iyo gentaalaha sida cadawtooyadu ku dheehan tahay loogu soo ridayay.

Ilo wareegyo ayaa sheegaya in haweeney waayeel ah dhaawac yaru gaaray kaasoo ka dhashay firirka hoobiye maraykankus oo riday.

Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamada Kenya ee fadhiga Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid kulul ayaa muddo socday lamina soo warin inta uu la eg yahay qasaaraha ka dhashay.

Markii dagaalku istaagay Kenyaatigu waxay bilaabeen duqeyn ay u geysnaayaan dhulka baadiyaha ah  taasoo xalay oo dhan socatay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.