Mid kamid ah Culimada Aala-Sucuud oo banneeyay Dhagaysiga Heesha.

SaalixCulimada ka amar qaadata Usrada ka talisa dhulka Xarameynka ayaa mar waliba baahiya hadallo la yaab leh, kuwaas oo ka gedisan hadalladii horey loogu yaqaanay, waxaana taas loo aaneeyaaa iney mar waliba xooga saaraan iney qanciyaan nidaamka Aala-Sucuud.

Hadalkii ugu dambeeyay islamarkaana dadku ka yaabeen ayaa waxaa uu kasoo baxay Sheekh Saalax Al-Maqaamisi oo kamid ah culimada u adeegta Aala-Sucuud islamarkaana sida joogtada ah uga hadla Iclaamka dowladaas, waxaana uu shiikhan sheegay iney banaan tahay dhagaysiga qaar kamid ah heesaha oo uu ku tilmaamay ineysan Xaaraam ahayn.

Isagoo waraysi siinayya Tvga Iqra ee Xarameynka xaruntiisu ku taallo ayuu Shiikhan waxa uu sheegay in Heesaha aan kicinaynin Quluubta islamarkaana caadiga ah, waa sida uu hadalka u dhigaye’ sida kuwa lagu salaamo madaxweynayaasha iyo heesaha loo qaado Ciidamada marka ay dhoolatuska sameynayaan ay bannaan yihiin islamarkaana Xaaraam aysan ahayn.

Fatwadan cusub ee kasoo baxday Shiikhan katirsan Culimada Suldaanka Aala-Sucuud ayaa waxay kicisisay mashaaciirta Jamaahiir Muslimiin ah, kuwaas oo la yaabay sida uu wadaadkan ugu dhiiraday in dadka hortooda uu ku banneeyo dhagaysiga Heesaha, waxaana dadka qaar ay is waydiinayeen waxa keenay in haatan uu hadalkan kusoo beego iyadoo la ogyahay in wadamo farabadan lagu daadinayo dhiiga Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.