Munaafaqnimada sidee loo daweeyaa?(Maqal)
Munaafaqnimado waa cudur xun oo uur ka gaalnimo ah laguna naar tago Allaah ha naga bad baadiyee.
Sheekh Maxamed Axmed Balli oo ka mid ah culumada Diinta Islaamka ayaa wareysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu kaga waramay Munaafaqnimada iyo khatarta ay leedahay.
Sheekhu wuxuu ka sheekeeyay in munaafaqu wuxuu afka ka sheegayo iyo waxa uurkiisa ku jiro laba kala yihiin.
Asigoo hadalkiisa sii watta wuxuu ka waramay sida qofku isaga baari karo munaafaqnimada .
Maraanu weydiinay sida la isaga daweyn karo ayuu sheegay in loo baahan yahay qofku in uu Allaah u towbo keeno oo u laabto.