Runirgood oo Dib ugashay Gacanta Shabaabul Mujaahidiin.

breakingWararka naga soo gaaraya Gobalka shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in goor dhaw dagaal qaraar uu kusoo idlaaday Magaalada Runirgood ee Gobalka shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Wilaayada shabeelaha Dhexe ayaa Magaalada kasoo galay laba qeyb sida dadka deegaanka ay ku waramayaan.

Xaalada Magaalada ayaa haatan degan waxaana si buuxda magaalada umaamulaya Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Illo wareedyo mas’uul ah oo goor dhaw la hadlay idaacadda alfurqaan ayaa sheegay in Mujaahidiinta Alshabaab dagaalka saaka ku qabsadeen gawaari dagaal tira kalane ku gubeen.

Meydad katirsan Ciidamada Dowladda ayaa daadsan Magaalada.

Maamulka shabeelaha dhexe ayaa shalay ku faanay in Alshabaab ka saareen tuulooyin katirsan Gobalka.

La soco wixii soo kordha inshaa allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.