Sheekh C/raxmaan”Ciidamada Maraykanka Markay Dhowr Kiiloo Mitir Kuu jiraan ayay Xabada Soo Tuurtuuraan Kadibna Wey iska Cararaan”(Maqal)
Waaliga Jubooyinka Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Alfurqaan kaga hadlay Ciidamo Maraykanka ah oo Bilihii lasoo dhaafay Howlgallo Qar iska Tuurnimo ah ka fuliyay qeybo kamid ah wilaayada Jubooyinka.
Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku Yihiin kuwa Fulayaal ah oo kusoo degta meel dhowr kiiloo mitir ka baxsan Goobaha ay joogaan.
Waxa uu sheegay in Marnaba aysan fooda is galin iyaga iyo Maraykanka.
Waxbay soo tuurtaan kadibna way cararaan iyagoo sheegta inay nasoo weerareen waxbana kama jirto sheegashadooda ayuu Yiri Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.
Waxa uu wareysiga ku faafaahiyay ujeedka Maraykanku ka leeyihin soo degista xiliyada habeenkii ah.
Dhanka kale waaliga waxaynnu ka wareysanay weeraro shalay ay ku qaadeen ciidamo ku socdaalayay dulleedka Dhooblay.