Sidee loo jir dilaa maxaabiista u xiran Dowladda federaalka ah?(Dhagayso)
Ciidamada Dowladda federaalka ah gaar ahaan qeybta sirdoonka ayaa xabsiyadooda tooska ah iyo kuwa qarsoodiga ahba ku jirdila maxaabiista ay soo qabtaan si ay u qirtaan eedaha loo soo jeediyo.
Qofka six un baa loo garaacaa, mararka qaarna biyo ayaa lagu hafiyaa sidoo kalena waxaa dhacda in qofka koronto lagu gubo.
Filim dhawaan Internetka lagu shaaciyay oo u muuqday in si qarsoodi ah loo duubay ayaa Muujinaya madaxa baarista gobalka banaadir ee askarta sirdoonka Cabdi-risaaq caatto iyo askar kale oo jir dilaya nin madax ka ah xaafad ka tirsan degmada waaberi ee magaalada muqdisho.
Waxay ku qasbayaan in uu qirto in uu wada shaqeyn la leeyahay waxaana muuqanaya askeri nninkaas bakoorad xoogan ku garaacaya.
Ninka la jirdilayo ayaa miigeysnaa ama gadaal gadaal u xirnaa waxaana muuqaneysay katiinad macmalaha looga dhilqiyay ama looga dhuujiyay.
Xasan sheikh maxamuud oo ah madaxweynaha dowladda federaalka ah ayaa qirtay in askartiisu ay jirdil geystaan.
Halkan ka dhagayso Codka Qofka la jirdilayo.