Soomaalida wiilashoodu shisheeyaha ka bar bar dagaalamayaan oo lala talshay.(Maqal)
ciidamada shisheeye ee dalka jooga waxaa la shaqeeya ciidamo soomaali ah kuwaasoo amarka ka qaata shisheeyaha lana gala dagaalada ka dhan ah.
hadaba qaar ka mid ah indheer garadka Soomaaliyeed ayaa qof walaboo wiilkiisu shiheeyaha u adeegayo kula talshay inta aanay xeero iyo fandhaal kala dhicin in uu kala soo baxo.
Nabadoon Maxamuud Cali Geeddi iyo Nabadoon Xaajji Roog oo xalay ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegay in dalku cadaw qabsaday loona baahan yahay in aan loo kaalmeyn.
waxay hoosta ka xariiqeen in ninkii shisheeyaha la safta uu la mid yahay arintaana aanay ahayn wax soomaakida u qalma.