Tobanaan Ruux oo ku shahiiday duqeymo ka dhacay gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Idlib

Diyaarahada dowladda Ruushka ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Isniin ahayd waxay duqeymo xoogan oo Arxan darro ah ka geysteen magaalada Idlib oo ka baxsan gacanta Nidaamka, islamarkaana maamulaan kooxaha Jihaadiyiinta ee dalkaas ka dagaalama.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa gaaraya illaa 17 duqeyn waxaana fuliyay diyaarado ay leedahay dowladda Ruushka sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah, waxaana meelaha duqeymahaas lagu garaacay kamid ah Suuqa weyn ee magaalada Idlib, Masjid ay dadku ku cibaadeystaan iyo goobo kale oo dhamaantooda ah meelo ay isugu yimaadaan dadka Shacabka ah.

Tirada ku dhimatay duqeymahaas ayaa waxay mareysaa 23 Ruux, halka 35 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dadka dhintay kamid ah Caruur iyo dumar Masaakiin ahaa.

Kooxaha difaaca Madaniga ee ka howlgala deegaanada xurta ah ayaa sheegay in markii ay duqeymuhu dheceen ay gaareen goobaha ay wax ka dhaceen islamarkaana ay raadinayeen dad ku hoos jira burbruka dhismaha.

Meelaha la duqeeyay waxaa kamid ah labo Cisbitaal oo lagu daweeyo dadka dhaawacyada ah, waxaana tallaabadan oo ah mid wuxuushinimo ah indhaha ka fiirsanaya Hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda Insaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.