Xagalay”Dalka Waxaa Dowlad ka ah Shisheeyaha”(Maqal)
Cabdullaahi Xagalay oo ah siyaasi ku sugan dalka Dibadiisa ayaa ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan maamulada shisheeyaha u adeega ee kala Jar jaray Wadanka.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyadu magacii Dowladnimada ay meel uga dhaceen waxaana uu hoosta ka xariiqay in dalka shishuuyuhu uu dowlad ka yahay.
Bahdilaada shisheeyuhu uu kula dhaqmo madaxda Dalka ka jira ayuu soo hadal qaaday Xagaley.
“Annagu hadaan nahay shacabka waxaan aragnay in dalka dowlad ka yihiin dadka amarka bixiya ee lagu shaqeeyo waxa ay dalbadaan”ayuu Yiri Xagaley.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay wadato danteeda islamarkaana ay ku shaqeysanayso kuwa madaxda sheegta ee dalka ku sugan.