Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Howlgallo Gaar ah Ka Fuliyay Baardheere

baardheereCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii Labaad Howlgallo qorshaysan ka fuliyay Magaalada Baardheere oo Gacanta ugu Jirta Ciidamada Kenya iyo Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya Magaaladaasi ayaa ku waramaya in la weeraray laba goob oo ay ku suganyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Qoryaha Daran dooriga udhaca iyo Bam baanooyin ayaa lagu weeraray Guri Magaaladu ka deganyihiin saraakiil Soomaali ah oo la shaqeeya shisheeyaha.

Dagaal adag ayaa halkaas ku dhex maray Ciidamada Mujaahidiinta iyo ragga ilaalada ka hayay Guriga.

waxaa jira qasaaro xoogan oo ka dhashay weerarkaasi sida Alfurqaan ay usheegeen illo wareedyo ku sugan Magaalada.

Goobta kale la weeraray waa Garoonka Magaalada oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Jabhada Gedo ee shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jaha ka galay Garoonka waxaana usuurtagashay in dhufeesyada qaar ay ka saaraan ciidamada xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.