Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo saraakiil Ku dishay Muqdisho.

download

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weeraro ka gaystay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Xoogag hubaysan ayaa laba saar ku dilay Degmooyinka Boondheere iyo Waabari ee Muqdisho.

Sarkaal Nabad sugida katirsanaa ayaa Lagu dilay degmada Waabari halka sarkaalka kale oo Milatariga ka tirsanaa Lagu dilay Degmada Boondheere.

Ragga dilka gaystay ayaa goobta ka tagay.

Dhanka kale Ciidamo hubaysan oo shabaabul mujaahidiin katirsana yaa weerar kuq aaday isbaaro maleeshiyada Dowladda Ku leeyihiin Biyo degeenka suuqa Xoolaha Muqdisho.

Dagaalka ayaa socday wax ku dhaw 30 daqiiqo lamana hayo qasaaraha uu sababay.

Ciidamo kale oo shabaabul mujahidin katirsan ayaa rasaas huwiyay gaari ay la socdeen ciidamo oo marayay isla suuqa xoolaha.

Ammaanka Muqdisho ayaa faraha kabaxay waxaana ka dhaca weeraro ka dhan ah dowladda iyo Amisom.

(Valium)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.