Xarunta Xalane oo La Duqeeyay.

MadfacCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee wilaayada Banaadir ayaa xalay tiro madaafiic ah ku garaacay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shan madfac ayaa la xaqiijiyay inay gudaha ugu dhaceen Xarunta waxaana ka dhashay qasaaro aanan la ogayn inta uu gaarsiisanyahay.

Madaafiicda waxaa si weyn looga maqlay goobaha ka ak dhaw Taliska Xalane Ee Muqdisho.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xoojiyay howlgalada ay ka wadaan Magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Saraakiil katirsan shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay Andulus ayaa sheegay in dhowr madfac ay ku hubsadeen gudaha xerada Xalane.

Madaafiic xalane lagu garaacay ayaa kusoo aadeysa xili halkaasi ay soo gaareen ciidamo ka socda Dowladda Ingariiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.