Xeerka Xasan Sheekh ansixiyay iyo sida Baarlamaanku u arkaan.(Warbixin+Waraysi)
Xasan Sheekh Madaxweynaha waqtigiisu sii idlaanayo ayaa sheegay in uu meel mariyay xeer markii hore qorshuhu ahaa in baarlamaanku ansixiyaan oo la xariira darooshada soo socata.
Xasan ayaa qaatay go’aan u muuqda in uu la wareegay awooddii baarlamaanka waxaanuu sheegay in aan loo fadhi doonin ciddii xeerkaan ka soo horjeedda.
Waxyaabaha xildhibaanadu diidan yihiin waxaa ka mid ah in la dhiso waxa loogu yeero aqal sare sababatoo ah waxay u arkaan in uu caqabadaha ama khilaafaadyada dhici kara kaalin weyn ka qaada karo.
Xildhibaan Cabadulaahi Goodax Brre oo ay xalay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in xasan sheekh yahay madaxweynihii ugu xumaay ee soomaaliya soo mara.
Wuxuu tilmaamay in uu xeerkooda ku tuntay amaaba uu meel uga dhacay.
Hadaba waxaanu idiin soo gudbineynaa warbixin la xariirta go’aanka xasan uu qaatay waxaana ka dambey doona wareysiga xildhibaanka.
Halkan ka dhagayso Warbixinta Xasan SHeekh iyo Wareysiga Xillibaan Goodax.