Yaa Ka Talinaya Magaalada Ruunir-Good ee shabeelaha Dhexe.?(Maqal)
Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Warbaahinta Afkooda Ku hadasha ayaa baahiyay in Magaalada Ruunir-good laga saaray xarakada shabaabul mujaahidiin oo ay dib ula wareegeen Ciidamada Dowladda.
Idaacadda ALfurqaan oo xeriir la sameysay Dadka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka Gobalka Ayaa xaqiijisay in Magaalada ay si buuxda umaamulayaan xarakada shabaabul mujaahidiin.
Magaalada waxaa kusoo laabtay dadkii ka barakacay.
xaalada Magaalada iyo halka ay ku danbeeyeen ciidamada dowladda kuwooda ka firxaday magaalada waxaan ka waraysanay Macalim Muxumed iyo Abwaan Taakow oo labadoodaba ku sugan Gobalka shabeelaha Dhexe.