Abuu Dujaana oo Tiriyay Gabay Ku saabsan Macrikadii Bader.(Maqal)
Qazwadii Badar waxaa lagu tiriyaa dagaalkii ugu horeeyey ee dhexmara Xaqqa iyo Baadhilka, waxaana lagu magacaabay maalinkii kala baxa, ka sheekeynteeduna waxay leedahay dhadhan gaar ah kaas oo kuu muujinaya ineysan Guushu ku xirneyn Tirada iyo Tabarta.
Muslimiintu waxay Makkah kaga soo hijroodeen dhamaan wixii hanti ah ee ay heysteen, waxaana ay aad u jeclaayeen in Quraysh ay ka aargutaan, Allah ayaana u fasaxay iney Jihaadaan iskana dhiciyaan kuwii kusoo xadgudbay.
Nabiga Scw oo ahaa Xakiim dagaalyahan ah ayaa markii la idmay Jihaadka waxa uu xooga saaray dagaalka dhanka Dhaqaalaha ah, kaas oo hadii aad cadowga ka naafeyso uusan awoodi karin inuu kula dagaalamo, sidaas darteed ayuu Nabigu sanadkii koowaad ee Hijriyada waxa uu diray Saraayaad xiriir ah oo hadafkoodu ahaa iney jidka u galaan kolonyadii Safarleyda Ganacsiga ee Shaam ka imaan jirtay.
Dagaalka badan waxaa lagu jabiyay gaalada Muslimiintana guul ayay kala hoydeen fagaaraha.
Abwaan Abuu Dujaana oo jooga gobalada Waqooyi ayaa Tiriyay Laba gabay oo mid kamid ah uu kusoo qaatay Macrikadii Badar.