Ardayda ku dhaqan Kuunyo barrow oo tartan loo qabtay.

micXaflad lagu maamuusayat tartan maalmihii lasoo dhaafay u socday ardayda dugsiyada kuunyo Barrow oo shabeelaha hoose ka tirsan ayaa lagu qabtay masjidka Quba ee isla magaalada Kuunyo barrow.

Ardaydu waxay ku tartameen 30 jus, 15 jus iyo 10 jus.

Kuwa ku tartamay 30 jus waxaa ugu horeeyay oo kaalinta kowaad galay Usaama ismaaciil Muxamad oo dhigta dugsiga Ceynul islaam, kaalinta labaad ee 30 jus waxaa galay Aadan Cali Maxamad oo dhigta machadka muxyidiin ee beesha Tunni, kaalinta sadaxaad ee 30 jus waxaa galay Maxamad Mukhtaar Murjaan oo dhigta machadka muxyidiin ee beesha Tunni.

Ardayda ku tartantay 15 jus waxaa kaalinta kowaad galay Muscab Cali Axmad oo dhigta madrasada umul quraa, kaalinta labaad ee 15 jus waxaa galay C/llhi xaaji warsame oo dhigta machad Imaamu shaadhibi, kaalinta sadaxaad ee 15 jus waxaa galay C/raxmaan xaaji warsame oo dhigta Imaamu shaadhibi.

10 jus waxaa kaalinta kowaad galay Xassan Yuusuf Axmad oo dhigta dugsiga Imaamu Shaafici, kaalinta labaad ee 10 jus waxaa galay Maxamad Xassan SHeekh oo dhigta Markazka Amal, kaalinta sadaxaad ee 10 jus waxaa galay Zakariya C/qaadir Mursal oo dhigta markazka Amal.

Abaal marino ayaa la gudoonsiiyay ardaydan iyo kuwa kale oo ka qeyb galayaasha kamid ahaa, waxaana gunaanadka munaasabadda ka hadlay sheekh jaamac aw aadan.

Dhageyso Kalimada Sheekh Jaamac Aw Aadan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.