Askar kasoo Tagay Diinsoor oo isku dhiibay Xarakada Alshabaab.(Maqal)
Askartaan oo ahaa laba askari ayaa kasoo goostay ciidamada Soomaalida ah ee ku sugan Magaalada Diinsoor Gobalka Bay.
Cismaan Cabdullaahi sheikh Deerow ayaa Muddo 10 Bil ah ku sugnaa Magaalada Diinsoor.
Waxa uu Alfurqaan usheegay in Qori uu Helo Awgeed uu utagay Diinsoor islamarkaana uu lasoo goostay Qori Ak47 ah.
Cismaan Ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furay askari ay isla socdeen kuwaasi oo doonayay inay dhacaan shacab Balse askari wax dhaawacay hadafkiisu ahaa inuu iyaga dilo kadibna isku dhiibo shabaabul mujaahidiin.
Mahad Cali isaaq Aadan oo isna kasoo goostay Diinsoor ayaa lagu soo bandhigay Dulleedka Diinsoor.
Waxa uu Alfurqaan usheegay inuu arkay haween badan oo la kufsaday iyo dad la dhacay.
Wilaayaadka ayaa si is daba joog ah waxaa usoo gaara Maleeshiyada shisheeye kalkaalka ah kuwaasi oo ku go’doonsan magaalooyinka ay qabsadeen shisheeyaha.