Askari Lagu Dilay Muqdisho lagana Qaatay Qoriga.
Xoogag Hubaysan ayaa Magaalada Muqdisho xalay ku dilay Askari katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Askariga La dilay oo Lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed ayaa waxaa lagu toogtay Degmada Dharkinlay waxaana laga qaatay qori Ak47 ah oo uu watay.
Ragga dilay askari ayaa goobta si nabad ah kaga tagay mana jirin cid dabagashay.
Dhanka kale askari kamid ahaa ciidamada Dowladda ayaa shalay galinkii danbe waxa uu Muqdisho ku dilay Qasnajigii Guud ee wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cabdirisaaq Xasan Cali ( Caanood ).
Mid kamid ah ilaaladiisa ayaa Caanood waxa uu ku dhex dilay xafiiskiisa kadib markii ay wada murmeen.
Askariga ayaa dilka kadib goobta ka tagay sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo dowlada katirsan.
Ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana kusoo badanaya weerarada ka dhanka ah madaxda iyo ciidamada Dowladda.