Ciidamo Mareykan ah oo daadad ay ku laayeen gudaha dalkaas.
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in Ciidamo Maraykan ah ay la kulmeen Musiibo Rabaani ah, taas oo horseeday dhimashada Askar badan oo katirsan kuwa dowladda Mareykanka.
Gaari nooca xamuulka ah ee ciidamada daabula ayaa waxaa ka sara maray daadad xoogan oo ku dhuftay gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxaana daadadkaas ay sababeen inuu rogmado guud ahaan Gaariga xamuulka ah, durbana ay halkaas ku dhintana ciidamo, kuwa kalana ay daadka qaadaan.
Inta haatan la hayo waxaa rogmashada Gaarigaas uu daadku sababay ku dhintay 5 Askari oo Maraykan ah, waxaana la la’yahay 4 kale oo la rumeysanyahay in daadadku ku dareen biyaha badda.
Daadad xoogan oo mowjado sare ku socoda ayaa ku dhuftay gobolo kamid ah dalka Maraykanka, gobolka Texas ayaan ah gobolka saameynta badan ay ku yeesheen daadadkan, waxaana la hakiyay guud ahaan safaradii diyaaradaha ay ku sameyn jireen gudaha Maraykanka.
Xaakimka gobolka Texas ayaa warbaahinta u sheegay in 31 degmo oo katirsan gobolkiisa ay yihiin meelo musiibooyin baahsan ay ka dhaceen, islamarkaana u baahan in gurmad deg deg ah lala gaaro.
Maraykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca dabeylo iyo daadad xoogan, kuwaas oo guud ahaanba hakiya dhaq-dhaqaaqa dalkaas, waxaana ay geystaan khasaare nooc waliba leh oo ay kamid tahay dhimashada dad Ameerikaan ah.