Ciyaaraha tilaabooyin Diinta Islaamka looga baxayo ayaa ku jira
Markasta oo la gaaro Bisha barakeysan ee ee Ramadaan shisheeyaha maal geliya ciyaaraha soomaaliya lagu qabto iyo hay’adaha soomaalida ah ee la shaqeeya waxay sii xoojiyaan ama sii baalariyaan howlaha ciyaaraha.
Nabadoon Xasan Nuur Sabtoow oo ah khabiir hore oo dhanka ciyaaraha ah ayaa sheegaya in arintaa lagula dagaalamayo cibaadada lana doonayo in dhalinyarada laga horjoogsado.
Wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo Diinta Islaamka looga baxayo oo la sameeyo inta ciyaaraha lagu guda jiro.
Sabtow ayaa sheegay in arimahaasi ay yihiin kuwo aanay fahansanayn inta badan dhalinyarada ciyaartoyda ah.