Dagaal udhaxeeyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Itoobiya oo Ka Dhacay Halgan.
Markii la dukaday salaada subax kadib waxa uu dagaal ka bilowday Magaalada Halgan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ahaa Mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Muddo la wareegay Xerada inkastoo markii danbe ay ka baxeen.
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dagaalka ayaa jira.
Wali xarakada Shabaabul Mujaahidiin ma faafaahin Howlgalka Saaka ka dhacay Magaalada Halgan.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku firxaday dhulka Howdka.