Banqaazi oo marti gelisay dagaallo xoogan.
Maalintii shalay oo Arbaca ahayd ayaa waxaa magaalada Banqaazi ka dhacay dagaallo xoogan kuwaas oo u dhexeeyo Ciidamada Mujaahidiinta golaha Shuurada ee magaalada Banqaazi iyo maleeshiyaadka Xaftar.
Dagaallada oo ahaa kuwa aad u xoogan islamarkaana hub kala duwan la isku adeegsaday ayaa waxaa u suurta gashay Mujaahidiinta iney dilaan tiro Maleeshiyaad oo aad u farabadan, waxaana dagaalka uu ahaa mid waqti dheer qaatay islamarkaana labada dhinacba ay isku adeegsadeen hubka kala duwan.
Sida ay sheegayaan Warbaahinta oo soo xiganaya Ilaha Caafimaad ee gudaha magaalada Banqaazi, waxaa Maleeshiyada Xaftar laga dilay inkabadan 11 Askari, halka tiro kor u dhaafeysa 20 Askarina looga dhaawacay dagaalladaas, kuwaas oo qaaarkood xaaladoodu ay liidato.
Dagaalkii shalay ka dhacay Banqaazi waxaa lagu sifeeyay inuu ahaa mid aan dhawaanahan soo marin magaalada Banqaazi, waxaana uu muujinayaa awooda Mujaahidiinta is kaashatay ee Banqaazi ay leeyihiin.