Degdeg:Dagaal Ka Dhex Bilowday Ciidamada Puntland iyo Kuwa Cabdisamad Gallan.

degdegDagaal udhaxeeya Ciidamada Maamulka Cabdiwali Gaas Ee Puntland iyo Kuwa Cabdisamad Gallan ayaa Goor dhaw ka qarxay deegaan udhaw Magaalada Carmo ee Gobalka Barri.

Dagaalka ayaa aad uxoogan waxaana ka qayb qaadanaya Gawaarida Dagaalka ee Labada Dhinac.

Warar ayaa sheegaya in qasaaro xoogan uu durba sababay dagaalka .

Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Cabdisamad Gallan Gudoomiyihii Hore Gobalka Barri uu soo gaaray Magaalada Carmo isagoo wata Ciidamo aad uhubaysan.

Waxa uu dagaalka sidoo kale kusoo aadayaa xili Hoggaamiyaha Puntland uu ku maqanyahay Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu shir kaga qeybgalayo.

Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa laga mamnuucay tabin wararka ku aadan dhaqdhaqaaqyada uu Gobalka ka wado Cabdisamad Gallan.

La soco wixii nagu soo kordha inshaa allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.