Degdeg:Dagaal Xoog leh oo Goor dhaw Ka Dhacay Kulbiyoow.

ciidamada kenyaWarar goor dhaw kusoo dhacay warqabadka idaacadda Alfurqaan ayaa ku waramaya in dagaal xoog leh uu dulleedka Deegaanka  Kulbiyow ku dhex maray Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya.

Dagaalka ayaa yimid markii Ciidamada shabaabul mujaahidiin ay dhabaha ugaleen  Ciidamada Kenya.

Muddo ayuu socday dagaalka waxaana la helin wax faafaahin ah oo ku aadan qasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku caano maalay weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo si joogta ah ay ugu bartilmaameedsadaan shisheeyaha.

Shalay ayay ahayd markii shan askari lagu dilay duleedka Mandheere markii la weeraray gaari ay la socdeen ciidamada dhintay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.