Degdeg:Qarax ay Ku dhinteen Afar Askari oo Goor dhaw Ka Dhacay Muqdisho.

deg-deg1Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhaw qarax xoogan lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka.

dhawaqa ka dhashay qaraxa oo si xoogan loo maqlay ayaa ka dhacay xaafada Waxarcadde ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ka ak dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ayaa Alfurqaan usheegay in goob isbaaro ah lagu dumiyay ciidamada Dowladda.

qol ay ku qaadan lacagta baada ah ayaa loogu qariyay miino  waxaana la xaqiijiyay in dhamaan askarta ku jirtay qolka  oo tiradoodu ahayd afar askari ay ku dhinteen qaraxa.

qaraxa kadib waxaa goobta yimid Ciidamo Dowladda katirsan oo isku gadaamay nawaaxiga halka qaraxa uu ka dhacay.

Qaraxa maanta Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo aadaya xili xalay ciidamada shabaabul mujaahidiin ay ka howlgaleen qeybo kamid ah Muqdisho.

Dagaalyahano katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraar fool ka fool ah ku qaaday ciidamo katirsan sirdoonka Dowladda oo fariisin ku lahaa xaafada Siigaale ee Muqdisho.

Lama oga qasaaraha uu sababay weerarkaasi.

Dhaqdhaqaaya shabaabul mujaahidiin ayaa si firfircoon kaga howlgalayay Muqdisho tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee ramadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.