Dhageyso Diiradda Jimcaha oo Looga Hadlay Gumaadkii Jaamac Dubbad.
Barnaamijka DIiradda Jimcaha oo ah todobaadle lagu lafa guro qodobka ugu muhiimsan ayaa waxaa maanta lagu soo qaatay gumaadkii ay Xabashida Itoboobiya Liyu Boliskoodu u geysteen dad muslimiin ah oo aanan waxba galabsan.
Dadkan oo kamid ah bulshada reer Soomaaliland islamarkaana muddo wajahayay gumeysiga Itoobiya maadaama ay ku noolaayeen xuduud beenaad ayaa waxaa loo gumaaday si aad u fool xumo badan.
Dadkan Al-Shabaab ma ahan, dhanka kalana kuma nooleyn meel shareecada islaamka lagu maamulo sidaa darteed ayaa waxaa barnaamijka la isku weydiiyay cidda ay Itoobiya la dagaashan tahay iyo hadafkeeda, waxa kale oo barnaamijka lagu miizaamay inta uu la eg yahay dhibka soo gaaray dadka muslimiinta ah iyo arimo kale oo muhim ah.
Barnaamijka waxaa ka qeyb galay Sh/Jaamac Ow-Aadan oo kamid ah culimada diinta islaamka, aqoonyahan C/llhi Axmad C/lle, Nabadoon Garaad Sh/Maxamuud Cali iyo Nabadoon Maxamad Axmad.
Halkan ka dhagayso Barnaamijka Diiradda Jimcaha 17-06-2016