Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo Dhiigoodu Bariis uyahay.

sheekh xasanWaaliga Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ka hadlay dagaalo maalmihiii tegay ka dhacay deegano ka tirsan Gobalka galgaduud gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka dhuuso mareeb iyo ceel buur.

wareysi ay la yeelatay Idaacadda ku hadasha afka xarakada mujaahidiinta alshabaab ee Al-andalus ayuu  Sheekh xasan yacquub ku sheegay in dagaaladaas ciidamada axmaarada iyo tigreega qasaare lagu gaarsiiyay.

wuxuu sheegay in askar tobaneeyo ah halkaa ay itoobiyaanka uga dileen laba gaarina laga gubay kuwaasoo midkoodna kuwa xamuulka ahaa midna ahaa nooca somaalidu cabdi bile u taqaan ee dagaalka looga qeyb qaato.

waaligu wuxuu tibaaxay in dadka deegaanka qaarkood ka qeyb qaateen dagaalki jihaadka ah ee shisheeyaha lala galay kuwaasoo uu uga mahad celiyay howsha ay qabteen.

askarta Itobiya ayuu waalig tilmaamay in marka ay sahayda isu geynayaan ay la kulmaan dagaalo qasaare gaarsiiya taasoo ka dhigan buu yiri askartu in ay yihiin kuwo dhiigoodu bariis u yahay.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga  Sh xasan Yacquub.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.