Dhageyso:Ciidamada Ugandha oo Dhac Ka Gaystay Duleedka Baraawe.

amisomKolonyo ay la socdaan Ciidamo ka tirsan Ugandha ayaa talaadadii lasoo dhaafay  kasoo Tagay Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Baraawe ee shabeelaha Hoose.

Dagaallo iyo qaraxyo ayay kula kulmeen wadada iyagoo kala kulmay qasaarooyin nafeed iyo mid hanti.

Ciidamada Shisheeye oo aad ucaraysan ayaa tagay Tuulada Qoorey oo udhaxaysa Buulo mareer iyo Baraawe ee shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ka cararay tuulada inta aysan soo gaarin Ciidamada Ugandha.

Ciidanka Ugandha ayaa dhacay laba dukaan oo deegaanka ku yiilay iyagoo intaasi kadib  gubay dukaanada iyo dhismooyin tuulada ku yaala.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka islamarkaana lahaa mid kamid ahaa dukaanada la dhacay ayaa Alfurqaan kaga sheekeeyay sida ay wax udhaceen.

Dhageyso Codka Nin Kamid ah Dadka La dhacay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.