Dhageyso:Sheekh Jaamac Cabbdi salaam oo Sakada ka hadlay.

sheekh jaamacSakadu waxay ka mid tahay Tiirarka Islaamka ciddii xoolaheeda ay ku go’dana waxaa waajib ku ah in ay dhiibto.

Sheekh Jaamac Cabdi-salaan oo ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ayaa muxaadaro Sakada ku saabsan ku qabtay Deegaan ku yaal Gobalka Shabeelaha hoose.

Waxa uu dadka Allaah wax siiyay kula taliyay in ay Zekada bixiyaan si aanay cadaab ugu mudan dhanka kalena maalkoodu ugu barakoobo.

Qaar badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah ayaa Sakada bixiya laakiin qaarkood ayaa ku bixiya dariiq aan sax ahayn.

Kuwa kale ayaa laga yaabaa in xoolo jaceylku haadaan ka riday oo mudda dheer ama weligoodba dhiibin.

Dhageyso Muxaadarada Sheekh Jaamac.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.