Dhageyso:Tartan Xiiso Leh oo Ka Furmay Idaacadda Alfurqaan.
Bisha Barakaysan ee Ramadaan sanad waliba idaacadda Alfurqaan waxaa ka baxa Barnaamij Muhiim ah oo ay ka faaidaan dhagaystayaasha Idaacadda ee Ku sugan Gudaha Dalka iyo Dibada.
Barnaamijyada la xasuusto ee idaacadda ka baxay waxaa kamid ahaa Tartan dhex maray Abwaanno Soomaaliyeed kuwaasi oo ay kusoo baxeen Dad Hal abuur ah.
Barnaamijkii Looga Hadlay Tataarka ee Baxay sanadkii Lasoo dhaafay.
Barnaamijyada qaar waxaa barbar socday Abaal marino idaacadu bixisay.
Sanadkaan 1437 Hijriga idaacadda waxaa ka bilowday Tartan xiiso leh oo dhex maraya Magaalooyinka katirsan shabeelaha Hoose iyo Jubada Dhexe.
Su’aalo kala duwan oo diini iyo maad isugu jira ayaa lala dhex qaadi doonaa bulshada Ku Nool Magaalooyinkaasi.
Wariyayaasheena Ibraahim Duweyshe iyo Cabdi Fitaax Filibiin ayaa Barnaamijkaan Loogu magac daray Soonka iyo Su’aallo Furan kasoo kala jeedin doona Labadaasi Gobal.
Su’aalaha baxaya qofkii ka jawaaba waxa uu heli doonaa abaal marin idaacadu bixineyso.
Qeybta ugu Horeysa Barnaamijka Waxa uu Maanta ka imaanaya Magaalada Saakow ee ka dhageyso Qeybta Hoose.