Dhageyso:Xarakada Alshabaab oo War Kasoo Saartay Geerida Sheekh Maxamed Dulyadeyn.
Bayaan kasoo baxay hoggaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Umadda Islaamka loogu hambaleeyey islmarkaana loogu tacziyeeyeyay istish-haadka mid kamid ah hoggaankii Mujaahidiinta oo dhawaan shahiiday.
Bayaanka oo ay aad ugu badnaayeen Nusuusta gaar ahaan Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ayaa ciwaan waxaa looga dhigtay “ Istish-haadka Hogaanku waa nolosha Jiilasha”, kaas oo ka tarjumaya in hadii ay Shahiidaan madaxda Mujaahidiinta qaarkood ay dhiigooda ku noolaanayaan dhalinyarada Muslimiinta uuna horseedayo istish-haadkaas iney hurdada ka kacaan boqolaal dhalinyaro ah.
“ Quluub yaqiinsan Aayadkaas qur’aanka kariimka ah ayaa Nafteena iyo Umadeena Muslimka ah ugu sabarsiineysa istish-haadkii faaariskii dhex dabaalan jiray dagaallada, iyo hoggaamiyihii rogaal celintiisuna ay badnayd oo ah Sheeekh Maxamed Maxamuud Cali Dulyaqadeyn Allah ka aqbale’e , waxaana Allah waydiisaneynaa inuu sugo quluubta Ehelkiisa, kana Ajar siiyo musiibadooda, islamarkaana ugu bedelo mid isaga ka khayr badan, Allena isaga ayaa leh wuxuu na siiyo, wuxuu qaatana isagaa ayaa iska leh, wax walibana waxay leeyihiin Ajal cayiman” ayaa lagu yiri Bayaankan Hambalyada iyo Taczida ah ee kasoo baxa hogaanka guud ee Mujaahidinta Soomaaliya.
Waxaa bayaanka lagu soo gudbiyay qayb kamid ah Taariikhda Sheekh Maxamed Dulyaden Taqabalahullaah, waxaana la sheegay in Shiikhu uu sanadkii 1387 Hijriyada ku dhashay dhulka Muslimiinta ee Kenya ay gumeysato, waxaana uu ku barbaaray magaalada Gaarisa halkaas oo uu ku dhameystay waxbarashadiisa dugsiga Sare.
Hadaba warbixin intaasi dheer ah ka dhageyso Qeybta Hoose.
Waa dhuxul kufriga lagu shidiyo dhamac rasaaseede
Dhiigiisu waa nuur ifiyo dhool guyoo da,aye
Dhimashana muduu raadiyoo dheerar saday waaye
Dheeftiyo wuxuu doonayiyo haabay dhaxal kiiye
Dhabti inu u liibaanay baan dhaar kumarayaaye
Dhaaxuu baqoolaha umaray dhinici jiif diiday
Dhaaxuu dharaar iyo hamayn dhiiri galinaayey
Dhaaxuu dhufays kawgu dhacay ay dhisteen gaalo
Dhaaxuu dharbaa xeeyeyoo dhamacda leef siiyey
Dhaaxuu dhunkaashaw qasiyo dhiidhitii gaalka
Dhaaxuu dhanayan abid kafilan dhabi kaleefsiiey
Dhaaxuu dhambaalada u diray dhalin jihaadaysa
Dhaaxuu inaan dheeliniyo diiday dhalan teedka
Dhulka uu maraa laga yaqaan dheeftu leeyahaye
Rabiyow janada dhabu gali waw dhib toodeene