Dhalxa oo ammaan xumada Muqdisho xukuumadda ku eedeeyay.(Maqal)

DalxaIyadoo dowladda federalka ah u taag la’dahay xakameynta amniga Muqdisho ayaa Maxamed Cumar Dhalxa oo baarlamaanka ka tirsan wuxuu si kulul u eedeeyay xukuumadda oo uu sheegay in ay ku guul dareysatay bixinta mushaaraadka askarta.

Wuxuu tilmaamay in dhaqaalihii dowladda soo galay qaar loo weeciyay dhismaha maamul gobaleedyo qaarna lagu safray oo diyaarado lagu raacay halka askarta caasimadda joogtana baahan yihiin.

Dhalxa oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaaya in raga qaar ku socdaan baabuurta xabaduhu aanay Karin ee boqolkun oo doolar ka badan jooga.

Dhalxa ayaa soo hadal qaaday weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel naasa hablood oo dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa wasiiru dowlihii bay’ada burci xamza.

Wuxuu sheegay in ay burci saaxiibo ahaayeen asigoo ka faaleeyay taariikhdiisa.

Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Dhalxa.lite

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.