Dowladda Mareykanka oo ka digtay Weeraro ka dhaca wadamada Yurub.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay suurta galnimada weeraro xoogan oo ay marti geliso qaaradda Yurub xilli ay kusii qul qulayaan dalalkaas dadka dalxiiska ah ee sanadkiiba hal mar shaqooyinka ka nasta.
Warka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay iney suura gal tahay in kooxo ay ku tilmaamtay Argagaxiso ay weeraro qaraxyo ah la beegsadaan goobaha la isugu yimaado oo ay kamid tahay meelaha lagu dalxiiso, Garoomada lagu cayaaro Kubadda Cagta ee qaaradda Yurub.
Inkastoo dowladda Mareykanku sheegin wax caddeymo oo ku aadan arinkaas ayaa hadana waxay digniin u dirtay muwaadiniinteeda, iyadoona sheegtay in digniintan uu waqtigeedu ku egyahay 31-bisha Ogosto ee sanadkan.
Dowladaha Mareykanka iyo kuwa Yurub ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay ka bixi waayeen digniino joogta ah oo ku aadan iney dhici karaan weeraro lagu beegsanayo dadkooda, waxaana muuqata in Mujaahidiintu gaareen mid kamid ah Ahdaaftii ugu weyneyd oo ay rabeen kaas oo ah in Gaalada ay ku noolaadaan mar waliba Argagax joogta ah, waxaana xusid mudan in hogaanka Mujaahidiintu u dhowr jeer cadeeyay in qadiyadda Amaanka ee Caalamka ay tahay mid isku xiran, islamarkaana hadii Muslimiintu amaan helaan ay gaaladuna heli doonaan, balse hadii aysan taas dhicin aysan jiri doonin Amaan ay helaan Reer Galbeedka.