Dr Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri Ayaa ka tacsiyadeeyay Mullaa Aqtar Bayco cusubna la galay Sheekh Mowlawi Hibatu-llaaah.
Mu’assasada As-Saxaab garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta AlQaacida ayaa baahisay kalimad maqal ah oo uu jeedinayo Dr Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri oo ah amiirka guud ee Al-Qaacida, taas oo uu bayco kula galay amiirka cusub ee Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalinbaan Sheekh Mowlawi Hibatu-llaaah.
Kalimadan oo soconeysa wax kabadan 13 daqiiqo ayaa waxaa ciwaan looga dhigay, Calal Cahdi Namdii, waxaana Sheekha isaga iyo Faracyada hoostaga ee Caalamka ka jihaada uu u cusboonaysiiya baycada amiirka cuusb ee bedelay Allah ka aqbalee shahaadadiisa Sheekh Mulla Akhtar Mansuur oo 25 may diyaara drone ah ay ku beegsatay deegaano dhaca xuduud beenaadka Aafqaanistaan iyo Pakistaan.
Horudhaca kalimadda ayaa waxaa lagu soo gudbiyay kalimad muuqaal ah oo uu horay u jeediyay Sheekh Usamaa bin Laadin, taas oo uu kaga hadlay intii uu noolaa nooca baycada ay kula jiraan Imaarada Islaamiga ah, waxaana uu sheegay Sheekha in beycadaas ay tahay baycada loo yaqaano Al-Cuthmaa, wuxuuna dhanka kale Sheekh Usaama ku boorinayaa guud ahaan Muslimiinta iney difaacaan Imaarada islamarkaana baycadooda ay siiyaan.
Istif-taax kadib waxa uu Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri ka hadlay sida uu kusoo gaaray khabarka ah istish-haadka Amiirul Mu’miniin Al-Mullaa Akhtar Mansuur, waxana uu sheegay iney ka xanuunsadeen istish-haadka amiirkaas oo ahaa mid u taagnaa difaaca Muslimiinta gaar ahaan Muhaajiriinta.
Wuxuu sheegay Sheekhu iney dhanka kale ku farxeen in Akhtar Mansuur uu shahiiday isagoo ku sugan Mabda’a jihaadka, islamarkaana aan bedelin, isagoona soo hadal qaaday qaybo muhiim ah oo kamid ah Taariikhda sheekha shahiiday.
Dr Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri ayaa dhanka kale waxa uu isagoo matalaya dhamana faracayda Al-Qaacida waxa uu baycadiisa u cusboonaysiiyay Amiirka cusub ee Imaarada Mowlahi Hibatullah, waxaana uu bayco kula galay in lasii wado Jihaadka, berina laga noqdo maamulada diin la dirirka ah ee ka jira Caalamka Islaamka oo ay ugu weynayahya Qaramada Midoobay.
Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa hogaamineysa dagaalka Jihaadka ee ka socoda Caalamka Islaamka, waxaana ay Imaaradu leedahay mawaaqif sharfoon oo aysan Taariikhdu illoobi doonin, waxaana kamid ah iney diideen in Sheekh Usaama ay ku wareejiyaan Mareykanka, iyo in dalkooda uu yahay Isha uu kasoo burqaday Jihaadka maanta inta badan Caalamka ka socoda, waxaana Imaarada Dhaalibaan ay tahay imaaradii ugu horreysay ee laga taago dunida kadib markii ay dhacday khilaafadii Cuthmaaniyiinta.