Gaari Booyad ah oo Dowladda Looga Gubay Sh/Hoose.

gaari booyadDagaal udhaxeeyay Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ee wilaayada shabeelaha Hoose iyo kuwa Dowladda Xasan sheekh ayaa xalayto ka dhacay qeybo kamid ah Gobalka.

Ciidamada Xarakada shabaabul mujaahidiin oo la socday dhaqdhaaqa ciidamada ayaa jidka ugalay gawaari ay la socdeen ciidamada.

dagaalka xoog leh kadib waxa ay natiijada ka noqotay in ciidamada xarakada shabaab ay goobta ku gubeen gaari booyad ah.

dadka deegaanka ayaa saaka gaari gubtay ku arkay Deegaanka Cabdi Dibile.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowlada ayaa xaqiijiyay in gaariga laga gubay islamarkaana ay la’ yihiin shan askari.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa si joogta waxaa kaga dhaca howlgallo alshabaab ay ku beegsato Amisom iyo Dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.