Garoonka Diyaaradaha ee Istanbuul oo Weerar xoogan lagu qaaday.
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa ku waramaya in weerar xoogan lagu qaaday Garoonka caalamiga ah ee Ataatoork ee dhaca magaalada Istanbuul oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn dalkaas,
sida ay sheegayaan wararka la helayo, waxaa weerarka fuliyay saddex Ruux oo hubeysnaa, islamarkaana sitay Suunka walxaha qarxa, kuwaas oo ku guuleystay in si dhib la’aan ah ay gudaha ugu galaan Garoonka kadibna ay rasaas ku furaan dadkii faraha badnaa ee ku sugnaa barxadda Garoonka.
Khasaaraha ka dhashay weerarkan sida aadka ah u qorsheysnaa islamarkaana dhacay habeenkii xalay ayaa gaaraya kudhowaad 40 ruux, waxaana jira dhaawacyo halis ah oo laga yaabo saacadaha soo socoda iney dhintaan.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga Cali Yaldaram ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu sheegay iney cambaareynayana waxa dhacay, isagoona intaa ku daray in weerarku ahaa mid lagu soo qaaday Garoonka ayna fuliyeen saddex Ruux, wuxuuna intaas sii raaciyay iney wadaan Baaritaanno xoogan oo la xiriira cidda Weerarkan ka dambeysa.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira kuwa kasoo jeeda dalal kale oo aan Turkiga ahayn, waxaase wali lahayn wadamada rasmiga ah ee ay kasoo jeedaan.
Madaxweynaha Turkiga Ordogan ayaa aad u cambaareeyay weerarkan, wuxuuna sheegay inuu yahay mid cadaadis lagu saarayo dowladiisa, waxaana uu Caalamku ka codsaday in si dhab ah looga hortago handadaada ka imaaneysa waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.
Inta badan dowladaha Yurub iyo Maraykanka ayaa sida caadada ahba cambaareeyay weeraradan dhiiga badan uu ku daatay, waxaana dowladda Turkiga ay wajaheysaa weeraro kala duwan oo uga imaanayo Jihooyin kala gedisan oo loolan adag kula jirta dowladda dalkaas.