Hogaanka Sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka tacziyeeyay Istish-haadkii Al-Mulla AKhtar Mansuur.(Bayaan)

bayanMu’assasada Al-Kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa soo saartay bayaan Tahniyad iyo Taczi ah oo kasoo baxay hogaanka guud ee Mujaahidiinta Soomaaliya, kaas oo Umadda Islaamka loogu tacziyeynayo islamarkaana loogu hambaleynayo Istish-haadkii Imiirul Mu’miniinkii hore Mullaa Akhtar Mansuur Raximahullah.

Bayaanka ayaa waxaa ciwaan guud looga dhigay “ Khuraasaan waa isha ay kasoo burqato Jihaadka iyo Istish-haadka”, waxaana Shicaarkiisa guud uu ahaa Aayada Qur’aanka Kariimka ah ee ah in Allah uu difaacayo kuwii isaga rumeeyay, waxaana uu ka koobnaa Bayaanka 6 Baje, isagoona ku qornaa Luuqadda Carabiga ah.

Istif-taax iyo horudhac kadib waxaa Bayaanka lagu soo qaaday Aayada Qur’aanka kariimka ah ee Mu’miniinta ku amreysa iney ku dagaalamaan wadada Allah Cazza Wajalla, islamarkaana u ballan qaadaysa in cidii ku dhimata iyadoo heysa wadadaas ama ku guuleysta ay heli doonto Ajar weyn, waxaana la sii raaciyay Tacliiq Cajiib ah oo uu Ayadaas saaray mufasirka caanka ah ee Sayid Qudhub Sahahaadadiisa Allah ka aqbalee, waxaana la yiri “ inagoo ka dhaqaaqeyna macaanidaas nuurka badan ee Quluubta Mu’miniinta ku beereysa Caqiidada Shahaadada iyo Istish-haadka ayaanu la wadaageynaa Umadeena Muslimka ah iyo ilaaliyayaasheeda ee ah Rijaasha Towxiidka iyo Jihaadka uuna ugu horeeyo Amiirkeena Sheekh Ayman Adh-dhawaahiri Tahniyada iyo Taczida ku wajahan Istish-haadka Amiirul Mu’miniin Al-Mullaa Akhtar Mansuur, Allah u naxariiste’e, waxaana Allah Raxmaanka ah ee Raxiimkana ah waydisaneynaa in Ehelkiisa uu ku arzuqo Samir qurxoon, Innaa Lillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.” ayaa lagu yiri horudhac bayaankan Hambalyada iyo Taczida ah ee kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Soomaaliya.

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu soo qaatay qayb muhiim ah oo kamid ah Taariikh nololeedkii Amiirka Shahiiday ee Mullaa Akhtar Mansuur oo aanu horey warbaahinta looga maqal, waxaana lagu sheegay bayaanka inuu Shiikhu kamid ahaa Raggii dhidibada u taagay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan, waxaana taariikhdiisa lagu tilmaamay iney qayb muhiim ah ka tahay Taariikhda dahabiga ah ee ay leedahay Umada Nabi Muxamed Scw.

“ markii la aas-aasay Dhaalibaan wuxuu Mullaa Akhtar Mansuur Raximahullah ahaa xalqad muhiim u ah socod siinta Camalka Jihaadiga ah ee Afqaanistaan, waxaana loo dhiibay shaqooyin kala duwan, illaa markii dambe loo magacaabay ku xigeenka Amiirul Mu’miniin Mullaa Cumar Mujaahid Raximahullah, markii uu geeriyoodayna waxaa laga dhigay Amiirul Mu’miniinka guud ee Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan, waqtigii Imaaradiisuna wuxuu Mullaa Akhtar Mansuur xooga saaray xoojinta weerarada ka dhanka ah cadowga gumeysiga ah, waxaana Afqaanistaan ay marti gelisay xilligii Imaaradiisa dagaallo Masiiri ah oo awooda Mujaahidiintu ku fiday, laguna jabiyay showkadii Murtadiinta, islamarkaana lagu jeex jeexay haybadii Saliibiyiinta. Allah haka Aqbala’e” ayaa la yiri mar Bayaanku ka hadlayay qayb kamid ah Taariikhda Amiirka shahiiday, iyadoona ay xusid mudantahay in Mulla Akhtar Mansuur uu dhaawcmay waxka badan toban jeer sida Bayaankaba lagu cadeeyay.

Mar hogaanka Mujaahidiinta Soomaaliya uu la hadlayay Shacabka Reer Afqaan iyo Mujaahidintooda ayaa waxaa lagu yiri “ walaalaheena aan jecelnahay ee Imaarada Islaamiga ah..Allah ka buuxshee Khayre, iyo ciidankeeda ballan oofinta badan ee Dhaalibaan, waxaan ku leenahay “ waxaan Allah mowlaha ah waydiisaneynaa inuu daaweeyo dhaawacyadiina, uuna aqbalo Jihaadkiina, Sacyigiina uu barakeeyo, uuna idin ka guuleeyo cadowgiina, Umadu idin kuma baran illaa inaad jeceshihiin u xukun tagida Shareecda, iyo qabsashada diintiina, iyo la dagaalanka cadowga diinta, u hiilinta Mustadcafiinta, amaan gelinta Muhaajiriinta, iyo Zuhdigiina aad ka zaahideen Aduunyada, Allah ha idin ka abaal mariyo abaalka Islaamka iyo Muslimiinta u gasheen, waxaana idin kugu hambalyeynaynaa Sabarka iyo ku sugnaanta Wadada Jihaadka, iyo u xukun tagida Shareecada Islaamka, iyo ka dheeraanta kala tagga iy dooda, Usuushaas ayayna Muslimiintu ku guuleystaan, hadii dhinac laga marana way ku jabaaan”.

Halkan ka akhriso Bayaanka Taczida oo ku qoran Luuqadda Carabiga

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.