Lix saacadood kadib ka bixitaankii Britin ee Midowga Yurub, Ingiriiska oo khasaaray wax kabadan wixii 15 sano ku bixinayay Midowga Yurub.

00 bi
Dalka Ingiriiska oo dhawaan lagu qabtay Afti guud oo ku aadan in Ingiriisku kasii mid ahaanayo Midowga Yurub iyo inuu ka baxyo ayaa waxaa inta badan dadka Ingiriisku u cudeeyeen iney ka baxaan Midowga Yurub, waxaana taas saameyn xun oo dhan waliba leh ku keentay dowladda Ingiriiska oo ka kooban Boqortooyooyin midoobay, haba ugu darnaate dhanka Dhaqaalaha.

Suuqa Sarrifka lacagta Pounka ayaa maalintii shalay oo jimco ahayd waxa u khasaaray lacag aad u farabadan, taas oo dadka la socodoa arimaha Sarrifka ku tilmaameen iney kabadantahay lacagta ay dowladda Ingiriisku miizaaniyad ahaan ku bixin jirtay Midowga Yurub 15 sanadood oo kaamil ah.

Suuqa oo la furay markii ay Saacadu ahayd 9 subaxnimo xilliga Ingiriiska ayaa markii la gaaray xilliga dambe ee maalintii shalay waxa uu khasaaray lacag gaareysa 125 Billion oo lacagta Geny Stralinka oo u dhiganta 175 Billion oo Doolarka Maraykanka.

Warbaahinta qaar oo sameeyay u kuur galid dhanka suuqa ah ayaa ogaaday inuu sahmiga lagu magacaabo Fotshi100 ee caanka ka ah dalka Ingiriiska uu khasaaray 8%, halka sahmiga Fotshi200 uu khasaaray 12%.

dowladda Ingiriiska ayaa sanad kasta waxay ku bixisaa miizaaniyadda midowga Yurub lacag gaareysa 12 billion oo Geyny Stralinka, balse 4.5 kamid ah waxaa lagu maal geliyaa gudaha dalka Ingiriiska taas oo ka dhigan in Ingiriisku sanad waliba ku bixiyo miizaaniyadda Midowga Yurub lacag gaareysa 8 billion oo Pounka ama Geny Stralinka.

Marka la fiiriyo lacagta guud ee dowladda Ingiriisku 15kii sano ee ugu dambeysay ku bixisay midowga Yurub waxaa cadaaneysa iney ku khasaartay lix saacadood un kadib markii ay ku dhawaaqday ka bixintaankeeda Midowga Yurub, waxaana la is waydiinayaa hadiiba lix saacadood intaas lagu khasaaray waxa la filan karo maalmaha, bilaha iyo sanadaha soo socda.

Dowladda Ingiriiska ayaa la filayaa inay isaga qaxaan dad farabadan oo kasoo jeeda dalkeeda iyo kuwa qoxooti ku ahaa, waxaana tallaabadan Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub ku qasbay nacaybka fog ee ay u qabaan Muslimiinta iyagooan diidan iney dalkooda soo galaan qaxootiga kasoo cararaya dalka Suuriya ee doonaya iney soo galaan wadamada Midowga Yurub.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.