Qarax la damacsanaa inuu ka dhaco Talyaaniga oo suura galin.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga, waxaa Brinter lagu soo habeeyay maadooyinka Qarxa laga helay xarun ay leedahay hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan arimaha cunnada oo ku taala magaalada Parma ee dhacda wuqooyiga Talyaaniga.
Khubaro ku takhasusay arimaha Qaraxyada oo katirsan Midowga Yurub ayaa soo gaaray xarunta, waxaana sida la sheegay ay ku guuleysteen iney qarxiyaan Printer iyadoo uusan gaysan wax khasaare nafeed toona.
Wasaaradda arimaha Caafimaadka ee Talyaaniga ayaa cambaareysay isku daygaas lagu doonayay in laguy qarxiyo xaruntan sida la sheegay qaabilsan arimaha Cunnada, waxaana bayaan kasoo baxay Wasaaradda looga dalbaday laamaha amaanka ee dalkaas iney baaritaan dhab ah ku sameeyaan arinkan ayna soo ogadaan cidda ka dambeysa.
Laamaha dowladda Talyaaniga ee qaabilsan waxa loogu yeero la dagaalanka Argagaxisada ayaa haatan wada baaritaanno la xiriiro sida uu Printerkaas oo ay ku jiraan walxa Qarxa lagu soo geliyay xarunta Midowga Yurub.