Qaraxyo iyo Dagaallo ka dhacay Gobalka Galguduud
Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo saad uwada Ciidamada Ku sugan Ceelbuur kana soo anbabaxay Magaalada Ceelbuur ayaa xalay iyo saaka lakulmay weeraro kaga yimid Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee wilaayada Galguduud.
Qarax xoogan oo lagu burburiyay mid kamid ah Kolonyada Ciidamada Itoobiya ayaa barqadii maanta lala eegtay Ciidamada Ku socda Ceelbuur.
Qaraxa oo lagu aasay wado dhinaceeda ayaa ahaa mid xoogan oo si weyn looga maqlay nawaaxiga halka lagula eegtay xabashida Itoobiya.
Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax waxaana ciidamada Itoobiya qaraxa kadib rideen rasaas xoogan oo aysan jirin jaha mucayan ah oo ay ku socotay.
Dhanka kale dagaal xoogan oo lagu qaaday ciidamadaan ku socda Ceellbuur ayaa xalay ka dhacay wilaayada Galguduud.
Dagaalka oo dhacay xalay fiidkii ayaa ka qarxay inta u dhaxaysa Ceel lahelay iyo warmooley ee dhacda wadada dheer ee xiriirsa degmooyinka ceelbuur iyo dhuuso mareeb sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan Gobalka.
Saraakiil katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa warbaahinta islaamiga ah usheegay in dagaalkii xalay qasaaro xoogan loogu gaystay Ciidamada Itoobiya.
Boqolaal katirsan Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa daadsan Gobalka waxaana ay yihiin kuwa aalaaba bartilmaameedsada askarta Itoobiya markasta oo ay sameeyaan dhaqdhaaq Ciidan.