Qasaaro baaxad leh oo ka dhashay weerarkii Lagu qaaday Hotel Ambasaddor.(Sawiro)

Muddo saacado ah ayuu qaatay weerar dhiig badan uu ku daatay oo shalay galinkii danbe Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku Ekeeyeen Hotel Ambasaddor oo hooy u ah Madax katirsan Dowladda Federaalka.

Qasaaro nafeed iyo mid hanti oo baaxad leh ayuu dhaliyay Howlgalka galay Maalintii Labaad ee Ka socda Gudaha Hotelka.

Qeyb dhan ayuu ka dumay Hotelka.

Dhimashada ayaa kor udhaafaysa 30 ruux waxaana dhaawaca uu ku dhaw yahay 50 ruux.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Laba xildhibaan oo lagu kala magacaabo Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabo weyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guurre.

Labada Xildhibaan ayaa ka yimid Dalka Ingariiska waxaana lagu dhex toogtay gudaha Hoteelka.

Maydad ayaa laga helay Gudaha Hotelka iyo afaafkiisa hore kuwaasi oo su xun ugu gubtay camaliyada.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal xoog leh kula jirta shisheeyaha ku soo duulay Dalka Soomaaliya.

1 qarax2 hotelka3 hotelka4 hotelka5 hotelka6 hotelka

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.